Iran oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay dilaan masuul Maraykan ah

Bulsha:- Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal u dhashay dalka Iraan in lagu soo oogay dacwad la xidhiidha inuu doonayey inuu dilo ama khaarajiyo John Bolton oo ahaa la taliyihii hore ee amniga qaranka ee xilligii madaxweyne Trump, taas oo loo malaynayo inuu doonayey inuu dilkaas u fuliyo, si uu ugu aargudo weerarkii dhinaca cirka ahaa ee Maraykanku ay ku dileen Jeneraal sare oo awood badnaa oo u dhashay dalka Iraan.

Hay’adda dembi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa haatan ku raadjoogta inay soo xidho sarkaalkaas oo ay ku magcaabeen Shahram Poursafi, iyaga oo sheegay inuu xubin ka yahay ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in falkani ay u badan tahay in uu yahay aargudasho la xidhiidha weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku dileen bishii January ee sannadkii 2020, Qasem Soleimani oo ahaa madaxii ciidamada Qudus ee dalka Iran.


Bayaan uu soo saaray, John Bolton ayuu uga mahad celiyay FBI-da iyo waaxda cadaaladda shaqada ay ka qabteen kiiskan. "In kasta oo aanan illaa hadda wax badan si faahfaahsan u sheegi karin, hal qodob ayaase ah mid aan muran ka taagnayn oo ah: in madaxda Iran ay yihiin beenaalayaal, argagixiso ah, cadawna ku ah Maraykanka," ayuu yidhi.

Associated Press










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment