Dowladda Sweden oo balan qaad u sameysay ra’iisul wasaare Xamse.

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya – iyadoo Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment