Banaanbaxyo rabshado wata oo ka socda Somaliland iyo Internetkii oo la jaray.

Bulsha:- Banaanbaxyo waaweyn ayaa saaka hal mar si isku mid ah uga bilowday gobolada Somaliland, iyadoo banaanbaxyadan ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani iyo UCID.

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa waxey sheegayaan in ciidamadda amaanka ay rasaas nool nool ay u adeegsadeen banaanbaxayaasha, waxaana jira khasaare dhaawacyo u badan oo ka dhashay, walow aan la ogegn tirada rasmiga ah dadka wax noqday.

Helitaanka xogta banaanbaxa ayaa ah mid adag, maadaama xukuumadda Somaliland ay damisay ama jartay khadkii Internetka, si ay u yareyso in dadka ay si fudud kula socdaan banaanbaxyadan oo ah kuwo maalmihii lasoo dhaafay uu abaabulkiisa si xowli ah ku socday.

Qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada mucaaradka ee UCID & WADANI iyo taageerayaashooda oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka dhan ah Xukuumadda Somaliland ayaa banaanbaxyo ka bilaabay inta badan Gobolada Somaliland.


Si kastaba, waxaa fashilmay isku dayo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku dooneysay iney ku hakiso banaannaxyada, iyadoo uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday dhex dhexaadin labada dhinac laga waday, mucaaradka ayaa dalbanaha in doorashada aysan dhaafin bisha November ee nagu soo foolka leh.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment