Roobab ka da'ay dalka Yemen oo ay ku dhinteen 38 qof, guryo badanna dumiyey

Bulsha:- Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Koonfurta Galbeed ee dalka Yemen iyo caasimadda Sanca ayaa keenay inay ka dhashaan daadad xooggan oo samabay inay guryo kala duwani dumaan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ee ay sababeen roobabkaasi inay haatan marayso illaa 38 qof.

Saraakiisha dalka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in guryo aad u fara badan oo ku kala yaalla caasimadda Sanca iyo gobollada Dhamar iyo Ibb ay gebi ahaan burbureen ama waxyeello xooggani soo gaadhay.

Goobaha khasaaraha ugu badani ka dhacay waxaa gacanta ku haya Mucaaradka Xuuttiyiinta kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada daacadda u ah dawladda uu caalamku aqoonsan yahay, oo taageero ka hesha xulafada Sucuudigu hoggaamiyo.

Xilli roobaadka sanadlaha ah ee Yemen ayaa inta badan bilaabma bisha May wuxuuna socdaa ilaa bisha August, laakiin sanadkan waxaa ka da’ay roobab ka culus kuwii caadiga ahaa oo ay la socdaan duufaano.


Dhinaca kale, Hay’adda UNESCO ayaa Khamiistii shalay ahayd walaac ka muujisay saamaynta uu roobku ku yeeshay magaalada Qadiimiga ah ee Sanca, oo ku jirta diiwaanka goobaha qadiimiga ah ee dunida.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment