Donald Trump oo diiday inuu ka jawaabo su'aalo la xiriira baaritaan lagu sameynayo hantidiisa

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii diiday inuu ka jawaabo su'aalo la xiriira baaritaan madani ah oo lagu sameeyay hab-dhaqannada ganacsi ee qoyskiisa, isagoo u cuskaday xuquuqda dastuuriga ah ee uu u leeyahay inuusan dambi isku yeelin.

Trump wuxuu qaatay mowqif dagaal ah oo ka dhan ah baaritaanka ay waddo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka New York, Letitia James, si loo ogaado inuu qiimeyn ku sameeyay qiimaha hoteelkiisa, xarumihiisa lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ka iyo hantida kale ee ma-guurtada ah si uu u helo shuruudo ku habboon amaahda, isagoo isaga oo hoos u dhigaya qiimaynta cashuur-dhaafka.

"Waan diiday in aan ka jawaabo su'aalaha hoos yimaada xuquuqda iyo mudnaanta uu siinayo muwaadin kasta marka loo eego dastuurka Mareykanka," Ayuu Trump ku yiri bayaan uu soo saaray, isaga oo ku eedeeyay Letitia James, inay tahay "Xeer ilaliye isaga ka aargoosaneysa oo aan xakameyn karin sharciga."

Muddo saacado ah oo uu su'aalo weydiinayay mid ka mid ah qareennada James, ayaa Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo in ka badan 400 oo su'aalood, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka u ah dacwadan, wuxuuna ku celceliyay marar badan, "jawaab isku mid ah," isagoo ku baaqaya inuu xaq u leeyahay inuusan naftiisa dembi gelin.

Laba ka mid ah carruurta waaweyn ee Trump, ee kala ah Donald Trump Jr. iyo Ivanka Trump, oo sidoo kale door muhiim ah ka ciyaara hantida maguurtada ah ee qoyska ee Trump Organization, waxay u dagaalameen inay ka fogaadaan inay marag furaan laakiin waa ay ku guuldaareysteen, isagoo maalmihii la soo dhaafay, ka jawaabay su'aalo ku jiray baaritaanka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka.


Xeer-ilaaliya gobolka New York , Letitia James ayaa sheegtay in baadigoobka uu helay cadeymo muhiim ah oo muujinaya in Ururka Trump, oo madaxwaynihii hore uu kormeeray, uu wax ka biday qiyamka alaabta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment