Dowladda Soomaaliya oo sagootin u sameysay safiirka Kenya oo mudo xileedkiisa dhamaaday

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalkeenna Mudane Lucas K. Tumbo oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, waxa uuna tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment