Al-shabaab oo ku hanjabtay inay weerarro ka geysaneyso gudaha Kenya

Bulsha:- Ururka Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka gaysanayaan gudaha Kenya haddii madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto uu go’aansado inuu ciidamadiisa kusii hayo gudaha Soomaaliya.

Hanjabaaddan ayaa Al-Shabaab ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen oo ay daabaceen warbaahinta taageerta ururkaas.

Dawladda Kenya iyo madaxwyenaha la doortay ayaan midkoodna weli ka jawaabin hanjabaadda Al-Shabaab.

Kenya ayaa ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii 2011, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerarro ka gaysteen gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo gobolka xeebta, weerarradaasi oo lagu afduubay dad ajaanib ah. Hawlgalkaas ayaa Kenya ugu magacdartay ilaalinta waddanka.

Kenya ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamo kumannaan ah, kuwaasi oo sannadkii 2012-ka rasmi ahaan uga mid noqday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo haatanna loo yaqaan ATMIS.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment