Booliska oo war kasoo saaray kiiska Kamac Ducaale – Gabadha ka timid Nairobi ee lagu dilay Muqdisho

Bulsha:- Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan geerida gabar dhallinyaro Soomaaliya ah oo sidoo kale haysatay dhalashada dalka Norway,  taasi oo ku dgeeriyootay magaalada Muqisho ee caasimadda Soomaaliya.

Gabadhan oo lagu magacaabay Kamac Ducaale ayaa meydkeeda la helay, balse weli ma cadda cidda dishay iyo sababta loo dilay.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiya Xuseen Axmed, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa sheegtay in baarista kiiskaan uu ku jiro gacanta booliska, sidaas darteed dadka laga rabo inay joojiyaan wararka ay ku faafinayaan baraha bulshada.

Taliyaha ayaa sheegtay in wararka la faafinayo ay lumin karaan macluumaadka saxda ah ee la xiriira kiiskaan.

Warka kasoo baxay taliyaha ayaa yimid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway ay sheegtay inay la socoto in muwaadin kasoo jeedo wadankeeda uu ku dhintay gudaha magaalada Muqdisho.

Mathias Rongved oo ah sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay inay waqti dheer ku qaadanayso in si rasmi ah ay u xaqiijiyaan geerida gabadhan.

Sidoo kale, Norway ayaa ehellada marxuumadda ugu baaqday inay la xiriiraan safaaradda ay ku leedahay dalka Kenya, si ay u helaan macluumaadka ku saabsan gabadhooda.

Geerida gabadhaan ayaa waxaa maalmo ka hor lagu faafiyey baraha bulshada, waxayna warar aan la xaqiijin sheegayaan inay u geeriyootay daryeel xumo caafimaad kadib markii ehelkeeda ay geliyeen xabsi guri.


Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Zakiya.

Wargelin;

Baarista kiiska marxuumad Kama Ducaale waxuu ku jiraa gacanta boliiska. Fadlan joojiya postiyada kala duwan oo kiiska ku saabsan madaamo saameyn lid ah ku yeelan karo baarista sidoo kalena lumin kara maclumaadka saxda ah ee kiiska.

Dhammanteen waxaan dooneynaa Kama inay cadaalad hesho madaamo ahayd gabar Soomaliyeed, lkn dhiigeeda haka dhiganina wax “like/share/followers” lagu raadsado.

Hadii aad heysid maclumaad sax ah fadlan igala soo xiriira dhanka messenger-ka.

Mahad badan,










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment