Akhriso: Qodobada Looga Hadlayo Shirka Golaha Wasiirrada Muqdisho Uga Furmay

Bulsha:- Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay kulan wadareedka golaha wasiirrada federalka ayaa ka warbixiyay u jeedka kulankaan loo qabtay, waxaana uu ku tilmaamay sidii loo heli lahaa gole mar qura isla jaanqaada iyo sidii loosoo hormarin lahaa waxyaabaha hortabinta leh xukuumadda uu hoggaamiyo Xamse.

“Waxaa sharaf ii ah inaan idiin kala soo qeyb galo daah furka kulan wadareedka golaha xukuumadda jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo ah  kii labaad ee nuuciisa ah ay isugu yimaadaan, si ay isula lafaguraan una wadaagaan, howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo hab loo xoojin karo iyo wadashaeynta howlaha kale duwan ee xukuumadda” ayuu yiri.

                                           Halkaan Ka Akhriso qodobada laga hadli doono

1: Dardargelinta nidaamka hey’adaha dowladda iyo islajaanqaadka golaha, sida uu Saalax sheegay in jaanta iyo jiibta la isla qaado.

2: Falanqeynta howlaha hortabinta u leh xukuumadda iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda.

3: Adkeynta dhaqangalinta xeerarka dalka iyo hirgelinta qorshe howleedyada xukuumadda si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u degan.

4:Fahamka iyo u  hoggaansanaanta xeer hoosaadka golaha wasiirrada, marka waajibaadkoodu goluhu gudanayaan.

5: Dhowrista iyo ku dhaqanka habraacyada heeshyada hey’adaha dowladdu u galaan ay ula galaan hey’adaha kale ee dowliga ah.

6: Hagaajinta hab xogwadaagidda, hey’adaha dowladda dhexdooda iyo lawadaagidda dadweynaha xog midaysan.

Shirkaan oo socon doona laba maalmood ayaa Ra’iisulwasaare Xamse waxaa uu golaha ka dalbaday in xoogga la isugu geyn lahaa qodobada lagawada hadalayo sidii loo hirgelin lahaa, shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya golaha wasiirrada xukuumadda, waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo laba maalin  kadib.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment