Twitter: Madaxii amniga oo ku eedeeyey in shirkadda Twitter-ku ay halis amni ku hayaan macaamiishooda

Bulsha:- Madaxii hore ee arrimaha amniga u qaabilsanaa shabakadda Twitter-ka oo dhowaan shaqada laga eryey, ayaa shirkaddaas ku eedeeyey inay khatar ku hayso xogta gaarka ah ee macaamiisheeda isticmaala ee gaadhaya illaa 238-ka million ee qof, isagoo si gaara u sheegay in dadka ay khataraha ku hayaan ay ku jiraan hay’adaha dawladda iyo dadka kale ee magaca leh, arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid muujinaysa walaac la xidhiidha amniga qaranka.

Peiter Zatko - oo aqoon durugsan u leh, xirfadaha lagu jabsado computer-ada - ayaa shirkadda Twitter u qaabilsanaa dhinaca ammaanka, waxaana shaqaaleeyey madaxa shirkaddan ee Jack Dorsey, hase ahaatee bishii January ee sannadkan ayaa shaqada laga caydhiyey iyada oo lagu eedeeyey inuu shaqadiisa gudan kari waayey.

Eedaha uu soo jeediye Peiter Zatko waxaa ku jira, inuu dhaliilay siyaasadaha shirkadda uga degsan, habka loola macaalimayo account-nada been abuurka ah ee la samaysto iyo weliba sida looga hortegayo in la jabsado macluumaadka isticmaalayaasha shirkadda Twitter.

Zatko, waxyaabaha kale ee uu shirkadda Twitterka ku eedeeyey waxaa ku jiray, inay ku xadgudbeen heshiiskii ay sannadkii 2011 ay la gaadheen Guddida Ganacsiga heer Federaal ee Maraykanka, iyaga oo guddidaas u sheegay in shirkaddu ay leedahay hannaan adag oo ammaan ah oo ay kaga hortegi karaan in la jabsado macluumaadka macaamiisha, Zatko ayaa sheegay inuu jiro xagal-daac dhinaca amniga ah, oo ay sabab u yihiin in Computer-ada iyo Softwares-ka lagu kaydiyo xogta macaamiishu inay yihiin kuwo duug ah.

Arrimaha ku xusan eedaha uu jeediyey Zatko ayaa qaarkood ay ku jiraan macluumaad si qarsoodi ah loogu diray bishii July ee sannadkan, saddex hay’adood oo ka tirsan dawladda Maraykanka oo ay ku jirto Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku.

Afhayeen ka tirsan shirkadda Twitter oo la hadlay VOA oo aan jeclayn in magaciisa la shaaciyo ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey, isaga oo sheegay in Zatko shaqada looga eryey hoggaan xumo iyo waxqabad la’aan, isagoo sheegay inay illaa haatan eedaha ay arkeen ay yihiin sheekooyin been abuur ah oo ka dhan ah shirkadda Twitter iyo habka ay u maaryaso macluumaadka sirta ah ee macaamiisheeda.

Eedaha uu soo jeediyey Zatko ayaa u muuqda kuwo soo baxay xilligii ku habboonaa, si loo bartilmaameedsado shirkadda Twitterka, si loosoo jiito dareenka macaamiisha ku xidhan shirkadda iyo weliba saamileyda maalgashatay.

Eedahan ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii uu maalqabeenka Elon Musk uu markii hore qorsheeyey inuu iibsado shirkadda Twitter, hase ahaatee uu markii dambe dib uga laabtay go’aanka uu ku iibsanayo shirkadda Twitter, isaga oo ku eedeeyey inay ka been sheegeen xaddiga account-nada been abuurka ah ee u diiwaangashan shirkadda.

VOA News ayaa daabacday warbixintan










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment