Odinga oo maxkamada sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah guushii Willian Ruto.

Bulsha:- Raila Odinga, ayaa kartoonno waraaqo ah ku watay gaari xamuul ah, xilli uu gudbinayay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada. Wargeys maxalli ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaariga xamuulka ah oo soo gaaray dhismaha maxkamadda.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.


Tan iyo sanadkii 2002-dii, ma jirin doorasho madaxtinimo oo ka dhacday Kenya oo aysan muran ka dhalan, iyadoo natiijadii sanadkan ay sidoo kale keentay khilaaf ka dhex jira guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment