Wareysi: Afhayeenka madaxtooyada oo faah-faahinka bixiyay codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada EAC

Bulsha:- Shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay Dalladda Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalalka Bariga Africa ee loo soo gaabiyo EAC ee ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa Jimcihii shalay isku raacay in la dedejiyo xaqiijinta iyo dabagalka codsi ay Soomaaliya u gudbisay dalladan oo ay dooneyso in ay ku biirto.

Somaliya ayaa kal hore sidan oo kale u codsatay ku biirista dalladdan, hase yeeshee ma suurtagalin marna in loo soo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo go’aan ka gaara in Soomaaliya ay buuxin karto shuruuradaha ku biirista dalladan.

Go’aanka ay madaxda EAC gaareen shalay ayaa ka dhigan in hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso dalladan uu bilowday, muddo laba sanadood ahna uu qaadan karo.

Dhinaca kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa arrintan uga warramay Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment