Madaxweyne Xassan oo la Kulmay Madaxa USAID oo booqasho ku tagtay Muqdisho

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Madaxa hay’adda gargaarka caalamiga ah ee dawladda Maraykanka USAID Samantha Power oo booqasho ku tagtya Muqdishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara, ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxa hay’adda USAID Samantha Power ayaa dhowaan ku dhowaaqday in ka badan 1 bilyan oo dollar oo Maraykanku ku bixnayo sidii looga hrtgai lahaa dhibaatooyinka la xiriira abaaraha iyo baahida ee Geeska Afrika, waxaana tobannaan milyan oo lacagtaasi ka mid ah ah wax looga qaban doonaa wax ka qabashada abaaraha iyo barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa ah waddanbka gargaarka bani’aadminnimo ee ugu badan Soomaaliya.


Abaarta ka jirta Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay tii ugu xumeyd oo gobolka ku dhufata ku dhawaad muddo 50 sano ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment