Isbaheysi ka dhan ah Lafta-Gareen oo looga dhawaaqay magaaladda Muqdisho.

Bulsha:- Isbaheysi Siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata bixinta Koofur Galbeed ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana ku mideysan Madax hore, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro.

Madasha looga dhawaaqayay isbaheysigan waxaa ka soo muuqday gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari, gudoomiye kuxigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdi Wali Muudeey, madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan, Sii hayaha xilka wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabade, xubnahan dhamaantood waxaa kuraas xildhibaanimo u soo diiday Lafta Gareen.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan, Golahan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo uu muran ka taagan yahay waqtiga muddo xileedkiisa ku egyahay.

Xubnahan waxey ku doodayaan in mudo xileedka Lafta-Gareen ay ku egtahay dhamaadka sanadan, balse isago waxa uu ku doodayaa in sanadka danbe dhamaadkiisa uu xilkiisa ku egyahay oo ay isla dhameysanayaan baarlamaanka, maadaama uu sanad ku darsaday xil heyntiisa.


Kudhawaaqista isbaheysigan cusub ayaa ku soo aadaya xili maanta uu Muqdisho soo gaaray madaxweyne Cabdi Casiis Lafta-Gareen, wuxuuna isku dayayaa sidii uu isaga yareyn lahaa culeyska saaran ee uga imanaya dhanka dowladda cusub iyo siyaasiyiinta saameynta leh ee uu khilaafka xooggani kala dhexeeyo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment