Rag ka shaqeeynaa yay Garoonka Diyaaradaha Düsseldorf ee Jarmalka Ayaa Xabsiga la dhiga Kadib Sawir Shaki abuuray oo...

Bulsha:- Sedax daan nin waxay sawirkaan oo muuqaal TikTok ahaa ku galeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Düsseldorf.

Kaararkii shaqada ayaa laga xayiray, guryahooda ayaa la baaray, boliiska ayaana wareysan doona.

Sababtuna waxay tahay qaabka ay sawirka u galeen iyo farta ay taageen oo u eg qaabka ay dowladda ku tilmaamtay in kooxda argagaxisada ah ee daacish ay sawirada u galaan ama muuqaalada uga soo muuqdaan.
Waxaa la dhahay, Raggaan waxaa suura gal ah inayba halis yihiin.

Raggaan arrintooda waa mid ayaga u taallo, ayagaana is og.
Balse bulshooy xog ogaal ahaada oo meelaha qaar markaad ka shaqeynaysaan isku badnaada insha Allah, waayo boliis iyo maxkamad inuu qofka u dhexeeyo ayaaba lugooyo ah.

Waxyaabaha aad baraha bulshada dhigeysaan, dadka aad sawirada la galeysaan, qaabka aad u galeysaan iyo arrimo badan ka fiirsada insha Allah.

Gaar ahaan dadka bulshada hormuudka u ah ee Imaamyada iyo Shuyuukhda ah ha iska ilaaliyaan waxaaabaha ay Internetka soo dhigayaan ama kusoo qorayaan, waayo markaas naftooda iyo xarumihii ay joogeen ayay mashaakil usoo jiidayaan.

Diintaada suuban cidna ugama tanaasuleysid, lkn waxyaabaha aad ka maarmi karto sida sawirka raggaan oo kale iwm waad iska ilaalineysaa, warku waa intaas.

Xigasho:-  Ahmed Kadiye










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment