Guddoomiye Cali jeyte oo Maamulka Galmudug uga digay inay farageliyaan Arrimaha degmada Matabaan

Bulsha:- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in bulshada kunool degmada Matabaan aysan aheyn kuwo is weeydiiya halka ay kujirto maslaxdooda si ay uga abxaan dhibaatada heysata.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Matabaan ayuu sheegay in dadka reer Matabaan maslaxadooda dhinaca siyaasadda, Amniga iyo Arrimaha bulshada ay kujirto la Shaqeynta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle.

Waxaa uu ka dalbaday Maamulka Galmudug inay faragelinta ka daayaan degmada Matabaan, isaga oo sicad u sheegay in dadka Reer Hiiraan iyo kuwa Galmudug ay yihiin kuwo Walaalo a, balse looga baahan yahay inay Arrimaha degmada Galmudug faraha kala baxdo.

Degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maamul ahaan ay hoostageysay Maamulka Galmudug, hayeeshee dhawaan waxaa Maamul cusub u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment