Uganda: Ruushku ma doonayo in ay Afrika gaaja ku sii jirto

Bulsha:- Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa Isniintii gaaray dalka Uganda, waana lugtiisii sadexaad ee booqashada uu ku maraayo qaarada Africa.

Safarkan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka Ruushku la leeyahay Afrika, sidoo kalena waxa uu Ruushku raadinayaan in ay qaaradda ka helaan taageero ku aadan cadaadiska uga imaanaya wadamada reer Galbeedka taasoo ka dhalatey duullaankiisa Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda Jean-Claude Gakosso ayaa wareysi uu siiyey VOA-da qeybteeda la hadasha wadamada Swahiliga ku hadla waxa uu ku sheegey in aysan waxba ka jirin in Ruushku doonayo in uu gaajada ku sii hayo Afrika taana ay tahay sababta uu u hor istaagey dhoofinta qamadiga ee Ukraine.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa noo soo koobeysa wareysigan oo ay qaadday Khadiija Riyami oo ka tirsan qaybta Sawaaxiliga ee idaacadda VOA.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment