Jigjiga: Ganacsatada oo taageeray ciidamada amniga ee la dagaallamay Al-Shabaab

Bulsha:- Dagaallo kale oo dhex-maray ciidamada amniga ee gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Booliis loo yaqaan iyo malayshiyada Al-Shabaab ayaa shalay ka dhacay goob u dhow deegaanka Feerfeer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Saraakiisha amniga dowlad deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkan.

Dhinaca kalena waxaa sii socda taageerada ay qaybaha bulshada ee gobolka Ismaamulka Soomaalidu u fidinayaan ciidamada amniga gobolka.


Ganacsatada magaalada Jigjiga ayaa lagu soo warramayaa inay maanta iskugu yimaadeen kulan ay taageero ugu muujiyeen ciidammada Deegaanka Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab, iyaga oo ugu yaboohay dhaqaale.

Warbixintan waxaa inoo soo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment