Qarax lagu diyaarinayay ku yaala degmada Dharkiinleey oo Qarxa iyo khasaare ka dhashay.

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

Qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Cali Goleey dhanka xigta Dharkinleey, waxaana la soo sheegayaa inuu ka dhex dhacay guri, wararka waxey tilmaamayaan in qaraxa gurigaasi lagu dhex diyaarinayay.

Saraakiil ka tirsan booliska qeybta galbeed ayaa sheegay in gaari Premier ah oo qaraxa lagu diyaariyay uu qarxay, waxaana ku dhaawacmay haweeney xaamilo eheyd iyo gabar yar oo ay heysatay oo xiligaasi ku sugnaa guriga, iyadoo dhismaha dhamaantiis uu burbur lixaad leh gaaray.



” Dadkii qaraxa diyaqriyay ma gaariga ayey ku dhex jireen, guriga miyey ka maqnaayeen, baaris ayaan arrintaasi ku wadnaa, waxaan isbitaal geynay labada qof ee dhaawaca ah, gurigiina waxaa la wareegay laamaha amaanka, baarista kadiv ayaan warbixin dhiibi doonnaa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska qeybta galbeed oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment