Maanta Iyo DDS Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Caato

Bulsha:- In ka badan 10 qof oo dhinacyaddii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saakay deegaanka Caato ee Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay saakay ku qaadeen magaalada oo ay xilligaas ku sugnaayeen xidhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo gobolka u tagay inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay dagaaladu saameeyeen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA-da in Al-Shabaab ay weerarka oo socday qiyaastii saddex saacadood ay ku billaabeen hoobiyeyaal iyo gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Aaden Maxamed Nuur Saransoor oo ka mid ah xildhibaanada dowladda federalka Soomaaliya ee magaalada ku sugan ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalkaasi u adeegsadeen gaadiidka gaashaaman, oo sida uu sheegay ay horey uga qaateen saldhigyo ay weerareen oo ay lahaayeen ciidmada Midowga Afrika.

Aaden Saransoor waxa kale oo uu sheegay inuu indhisiisa ku arkay dhowr iyo toban qof oo meyd ah.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay isku dayeysay inay magaalada qabsato, balse ciidamadii kasoo horjeeday ay caabiyeen.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo ay maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gudaha Ethiopia kula galeen Liyu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo shalay dib ugu laabatay magaalada Jigjiga kadib muddo toddobaad ah oo uu ku maqnaa furimaha dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka deegaanka ay jabiyeen qorshe sanad ay al-Shabab diyaarineysay, islamarkaana ay ku burburiyeen wax kayar saddex cisho.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay inay samaynayaan istiraatiijiyad ay Al-Shabaab uga hortagayaan kahor inta aysan soo galin xuduudda Ethiopia.


Taliyaha, Taliska ciidmada Mareykanka ee Afrika General Stephen Townsend ayaa shalay sheegay in isku dayga ay Al-Shabab ku dooneyso inay isku ballaariso Ethiopia intiisa badan la xakameeyay, hase yeeshee ay Al-Shabaab qorsheeyneyso weeraro kale bilaha soo socda.


Sida ay sheegeen xogo dhinaca sirdoonka ah, qiyaastii 500 oo dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 50 mitir gudaha u galay Ethiopia toddobaadkii la soo dhaafay kahor.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment