Taalibaan oo mar kale Mareykanka ka codsatay in loo fasaxo hantida Afghanistan

Bulsha:- Diblomaasiga ugu sarreeya xukuumadda Taalibaan ee Afghanistan ayaa Talaadadii sheegay mar uu ka hadlayay shir caalami ah oo ka dhacay dalka ay dariska yihiin ee Uzbekistan in cunaqabateynta uu Mareykanku kusoo rogay ay tahay sababta ugu weyn ee saboolnimada dalkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Mottaki ayaa mar kale ku boorriyay Washington inay ka qaaddo xannibaadaha “si shuruud la’aan ah” isla markaana ay u soo deyso ku dhawaad 7 bilyan oo doollar oo ah lacagaha la xayiray ee Bankiga Dhexe ee Afghanistan oo lagu hayo Mareykanka, si ay awood ugu siiso Taalibaan in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bini’aadantinimo ee sii xumaanaya.

Wadamada Yurub ayaa iyaguna xannibay $2 bilyan oo kale oo kaydka Afghanistan ah.

"Tallaabooyinkani ma ahan oo kaliya inay carqaladeeyaan maalgashiga shisheeye iyo macaamilka maaliyadeed, laakiin sidoo kale waxay saameeyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqyada dowladda ee faa'iidada u leh dadweynaha," ayuu Mottaki ka sheegay munaasabadda lagu qabtay caasimadda Uzbek ee Tashkent.

Waxa uu ku tilmaamay kaydka Afghanistaan oo la fasaxo iyo ka qaadista cunaqabataynta inay tahay “tallaabo aasaasi ah oo loo qaaday soo celinta xiriirka” Kabul iyo Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray amar fulined bishii Febraayo kaas oo ujeedkiisu ahaa in aan la xayirin kala bar 7 bilyan oo dollar oo gargaar bini'aadannimo loogu talagalay dadka Afgaanistaan. Baaqiga lacagtan ayaa waxaa loo heystaa dacwado la xiriira argagixisanimo oo ka socda maxkamadaha Mareykanka ee ka dhanka ah Taalibaan.

Taalibaan ayaa xukunka dib ula wareegtay bishii Ogosto ee la soo dhaafay markii ay burburtay dowladdii ay reer galbeedku taageerayaan ee Kabul, dhammaan ciidamadii shisheeye ee uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa si lama filaan ah uga baxay dalkaas kaddib ku dhawaad 20 sano oo dagaal ay kula jireen Taalibaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment