Fu’aad Shongole oo hogaaminayey Al Shabaabka weeraray Itoobiya

Bulsha:- Al Shabaab ayaa todobaadkii hore waxay weerar jihooyin kala duwan ah ku qaadeen Dalka Itoobiya dawlad deegaanka Soomaalida iyadoo khasaaro xoog leh uu ka dhashay dagaalkaasi.

Xubnaha Shabaabka ee weeraray aagga Gobolka Afdheer la wadaago Gobolka Bakool soomaaliya waxaa hogaaminayey Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al Shabaab.

Khudbad uu ujeediyey Al Shabaabka uu horkacayey ayuu sheegay in wax lagu farxo aheyd inay 30 daqiiqo ku qaadatay in Aato iyo Yeed ay la wareegaan sida uu warka udhigay.

Waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay la galayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Liyuu Booliska kuna goodiyey inay kusii socon doonaan deegaanada kale.


Warar soo baxay ayaa sheegaya in Fu’aad Shongole uu ku dhaawacmay Dagaalkaasi ka dhacay Aato iyo Yeed balse weli Al Shabaab warkaasi kama aysan hadlin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment