Dagaal Dhimasho & dhaawac ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday degmada Cabudwaaq

Bulsha:-  Ciidamo katirsan kuwa Amniga iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa is rasaaseyn waxaa ay ku dhex-martay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Wararka la helay ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay ka dambeeysay kaib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen askar waday meydka askari katirsan Ciidamada dowladda ee saakay loo qisaasay dilka taliye kuxigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug & Walaashiis.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo ka dhacday xaafada Kowda luulyo ee degmada Cabudwaaq ay ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ka kala tirsan halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Rasaaseyntan oo aheyd mid Waqti Kooban Socotay kana Dhacday Xaafada Kowda luuliyo ayaa inta Laxaqijiyay waxaa ku dhintay labada dhinacba labo ruux in kabadan sadex kalana Waa ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay weerarka ay ka taagan tahay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, isla markaana dadka degaanka ay cabsi soo wajahday.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment