Ciidamadda Puntland oo howlgal ka sameeyay buuraleyda Gobolka Bari.

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ciidamadda kala duwan ee maamulka Puntland ay ka sameeyeen buuraleyda gobolka Bari, halkaasoo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxabha Shabaab Daacish.

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameedsan waxaa fuliyay Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF iyo kuwa PMPF, waxaana si gaar ah uu hawlgalkaas uga dhacay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad.

Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ayaa sheegay iney ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxaha Shabaab iyo Daacish, iyadoo ciidamaddan ay la wareegeen qaar kamid ah keydkii kooxahan.


Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay intii howlgaladan ay socdeen, iyadoo aaney jirin wax war ah oo ka soo baxay kooxaha Shabaab iyo Daacish oo saldhigyo ay ku dhuumaaleystaan saraakiishooda ay ku lahaayeen goobahaasi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment