Culuma’udiinka iyo odayaasha DDS oo bayaan kasoo saaray duulaanka Al-Shabaab

Bulsha:- Culuma’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahka iyo Waxgaradka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Isniintii si wad-jir ah u cambaareeyay weeraradi ay Al-Shabaab maalmihi lasoo dhaafay ku qaadday deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad-deegaanka Soomaalida.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga Hey’adaha aan Dowliga aheyn ee loo soo gaabiyo SONSAC iyo Daladda Aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee DADS ayaa lagu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku qaadeen fariisamo ay ciidanka Liyuu Booliska ku leeyihiin xadka.

Sidoo kale, qoraal saxaafadeed kaas la mid ah waxaa xalay soo saaray Golaha Nabadda iyo Midnimada ee daagaanka iyo Culumaa’uddiinka.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka ay Shabaab ka geysteen deegaannada xadka, halka ay ku bogaadiyeen howlgallada ay ciidamada Liyuu Boolis kaga hortageen Al-Shabaab.



Waxay ugu baaqeen shacabka dowlad deegaanka in ay badiyaan feejignaanta ku aadan falalka lagu qalqal gelinayo amniga deegaanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment