Madaxweynaha Puntland oo si dadban u weeraray dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdllaahi Deni ayaa sheegay in xaalada abaareed ee dalka xilligaan kajirta ay tahay mid aad u daran, balse kaliya looga gudbi karo in caawin iyo Alle dadka Soomaaliyeed badbaadiyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee kunool miyiga iyo magaalaba ay saameysay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in bulshada dhexdeeda ay isku gurmadaan.

Wuxuu soo hadal qaaday madaxweynaha Puntland Deeqaha Caalamka kayimaada ee loogu talo galay abaaraha, wuxuuna sheegay in marwalba maqlo in la haayo lacag mallaayiin Dollar ah, balse ay ka xun yihiin in aysan ogeyn habka loo maamulayo iyo waxa kasoo gaaraya dadka kunool degaannada Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdllaahi Deni ayaa sheegay in dalka uu kajiro sicir barar saameeyay guud ahaan Dunida, hayeeshee aan waxba laga qaban qarin, wuxuuna Madaxda dowladda ka codsaday in lacagaha ka imaanaya Caalamka si deg deg ah loo gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta.


Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah iyo dowladaha taageera Soomaaliya ay ku deeqeen lacago mallaayiin Dollar ah oo loogu talo galay dadka ay saameeysay abaarta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment