Puntland oo baaris ku wado dad loo heysto dilka nabadoon Walloore.

Bulsha:- Saraakiisha laamaha amaanka waqooyiga gobolka Mudug ee Puntland ayaa baaritaano ku wado dad ku eedeysan dilka nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) kuwaas oo dhowaan lagu qabtay howlgal ka dhacay Gaalkacyo.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in eedeysanayaasha su’aalo weydiintooda ay ka socoto xabsi gaar ah oo ku yaala Gaalkacyo qeybta ay ka arrimiso maamulka Puntland, iyadoo la filayo in maxkamadaha loo gudbiyo.

Nabaddoonka ayaa bil ka hor lagu dilay bannaanka hore ee masjid lagu magacaabo Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xilli fiid ah oo ku beegnayd 16 June 2022.

Sidoo kale marxuumka aabbihiis Xasan Xuseen Walloore ayaa la dilay isagoo ka soo baxay isla masjidkaas Macmuur  xilli fiid ah oo ku beegnayd 8 August 2011.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment