Beegsi lagu bilaabay nabadoonada beesha degta Baxdo oo Shabaab lagu laayay.

Bulsha:- Wararka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in beegsi gaara lagu hayo nabadoonada beesha degta deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaasoo dhawaan lagu laayay xubno Shabaab ah kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Xalay iyo habeenkii ka horeeyay waxaa Muqdisho lagu kala dilay labada nabadoon ee kala ah; Sheekh Salaad Ciise Diiriye iyo Sheekh Cabdi Faniinte, kuwaasoo kamida waxgaradka ugu saameynta badan beesha degta deegaanka Baxdo, iyadoo dhalinyaro bistoolado ku hubeysan oo Shabaab lala xiriiriyay ay falalkaasi ka danbeeyeen.

Qaar kamida ehelka labada nabadoon ayaa beegsigan gaarka ku ah beesha Saleebaan ee Habargidir sabab uga dhigay culeys lagu saarayo iney isdhiibaan kooxaha hubeysan ee amniga Baxdo mas’uulka ka ah, iyadoo haatan la bilaabay in amnigooda ilgaara lagu hayo waxgaradka kale ee caasimadda ku sugan ee deegaanadaa ka soo jeedo.


Si kastaba, Mudooyinkaan dadka reer Muqdisho waxay ka nasteen beegsigii badnaa ee kooxda Al-Shabaab, balse waxaa bedalay tuugo iyo ciyaal weeraro khasaare badan ka geystay caasimadda, walow ay wal wal horleh abuurtay dilalkii ay geysan jireen amniyaadka Shabaab ee dib u soo laba kacleeyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment