Dilkii Khashoggi oo hareeyey booqashada Biden ee Sacuudiga

Bulsha:- Saraakiisha Sacuudiga ayaa Sabtida maanta ah sheegay in doonayaan in horey looga socdo dilkii saxafigii Jamal Khashoggi, maalin ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu arrinta dilkaasi ku soo qaaday wadahadal uu la yeeshay dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Xiisadda labada nin ayaa aad u sarreysay ka hor kulankoodii ugu horreeyay ee ay yeeshaan, gaar ahaan ka dib markii maamulka Biden uu sannadkii hore shaaciyay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka oo ay ku sheegeen in Amiir Maxamed “uu ansixiyay” howlgalkii sababay dilka Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Boqortooyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Hadal uu Biden jeediyay fiidnimadii Jimcaha, ayuu ku tilmaamay dilkii Khashoggi mid “ceeb ah” wuxuuna sheegay in uu uga digay Amiir Maxamed in markale la beegsado mucaaradka, isagoo aan caddeyn tallaabada uu qaadi doono.

TV-ga Al-Carabiya oo soo xiganaya sarkaal Sacuudi ah ayaa wariyay in labada hoggaamiye ay si kooban uga hadleen arrinta Jamal Khashoggi uuna Amiir Maxamed “xaqiijiyay in waxa dhacay ay yihiin kuwo laga qoomameeyo, waxa aanna qaadnay dhammaan tillaabooyinkii sharciga ahaa si aan uga hortagno” in ay markale dhacaan.

Amiir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in “dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo meel kasta oo dunida ka mid ah”, isaga oo tilmaamay “qaladaad badan” oo ay Washington samaysay sida jir-dilkii maxaabiistii ku xirneyd xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq, Al-Carabiya ayaa sidaasi werisay.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo wareysi siiyay CNN ayaa shaki galiyay qiimeynta sirdoonka Mareykanka ee ah in Amiir Maxamed uu amray howlgalkii 2018-kii lagu dilay Khashoggi, arrintaasi oo uu Amiir Maxamed beeniyay.


“Waan ognahay waxa ay qiimeyntii sirdoonku ku sheegtay in uu Saddaam Xuseen haystay hubka wax gumaada,” Jubeir ayaa ugu jawaabay Wolf Blitzer, isdhaafsigaasi oo si weyn loogu wadaagay baraha bulshadu ku xariirto ee Sacuudiga.

Eedeymihii sheegayay in kaligii-taliyihii Ciraaq uu haystay hubka wax gumaada ayaa sababay dagaalkii Ciraaq ee 2003-dii.

Jubeir ayaa sidoo kale caddeeyey in Sacuudigu uu rumeysan yahay in arrinta Khashoggi si buuxda wax looga qabtay, inkastoo aan wali la helin meydka Khashoggi.

Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa sannadkii 2020-kii ku xukuntay siddeed qof xabsi u dhexeeya 7 ilaa 20 sano oo xarig ah. Ilaa hadda lama shaacin magacyada dadka la xukumay.

“Boqortooyada Sacuudi Carabiya baaritaan ayay ku sameysay dambigaasi. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maxkamadeysay dadkii ka dambeeyay, waxayna bixinayaan qiimaha dambiga ay galeen xilligan aan hadleyno,” ayuu yiri Jubeir.

“Waan baaray, waanna ciqaabnay oo waxa aan dejinnay hab raacyo aan ku hubineyno in taasi oo kale aysan markale dhicin. Tani waa sida ay dalalku u maareeyaan marka ay xaaladahan oo kale dhacaan.”

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment