Maxaabiis dil lagu xukumay oo ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo + Magacyada

Bulsha:- Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa maxaabiis u xirnaa Puntland oo xalay ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Maxaabiista baxsatay oo jabiyey qolkii ay ku xirnaayeen ayaa tiradooda lagu sheegay illaa 7 ruux, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ah amniga ah.

Booliska Puntland ee Gaalkacyo ayaa shaaciyey in mid ka mid ahaa raggaasi ay toogasho ku dileen, saddex ka mid ahna ay gacanta ku dhigeen, halka saddex kalena ay baxsadeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday magacyada maxaabiista u xirnaa Al-Shabaabnimada ee fakaday, kuwaas oo kala ah:- 1-Xasan Isaaq Maxamed, 2-Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo 3-Liban Ciise Cali (Madax-kariye), kuwaas oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxihii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Raggaan saddexda ah oo ay horey dil ugu xukuntay maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale midkiiba la dul-dhigay lacag dhan $2,000 oo la siinayo ciddii soo sheegta, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay taliska booliska.

“Qofkii soo sheega dhagar qabayashaas waxaa loo balan qaadayaa abaal marin dhan midkiiba $2.000 oo dollar sido kale waxa lo balan qaadayaa inaysan cidkale ogaaneyn ruuxa soo sheega,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Puntland.

Maxaabiistaan ayaa horey uga soo muuqday warbaahinta, gaar ahaan barnaamijka Af-Meer oo baahiyey wareysiyo ay bixiyeen oo la xiriira dilal & weeraro ay ka geysteen Gaalkacyo.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment