Ciidamada Iran oo u jawaabay madaxweyne Biden iyo Israel

Bulsha:- ilitariga Iran ayaa maanta kaga digay Mareykanka iyo Israel inay awood ugu hanjabaan Iran, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu awood ciidan u adeegsan doono haddii ay noqoto xalka ugu dambeeya, si uu uga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.

“Mareykanka iyo sanhnuuniyadda (Israel) aad ayey u ogyihiin qiimaha adeegsiga ereyga ‘awood ka dhan ah Iran,’” waxaa sidaas yiri General Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Iran, oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda.

“Biden waxaan filaa wuu dawaqsanaa markii uu u hanjabay Iran,” ayuu yiri “Daawo suraawiisha askartaada – waxay ku qoyi doonaan Gacanka Persia.”

Ayada oo uu weydiiyey taleefishin Israeli ah, haddii hadalkiisa ah inuu ka hortagi doono in Iran ay hesho Nukliyeer uu ula jeedo inuu awood ciidan u adeegsan doono, Biden wuxuu ku jawaabo “taasi haddii ay noqoto xalka ugu dambeeya, haa.”

Khamiistii, Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israel Yair Lapid ayaa Jerusalem ku saxiixday ballan-qaad wadajir oo ah inay Iran u diidaan hub nukliyeer.

Iran waa ay beenisaa inay raadineyso hub Nukliyeer ah, waxayna sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay mid nabadeed.

Tehran ayaa heshiis la gaartay lixda quwadood ee caalamka ugu awoodda badan 2015-kii, kaasi oo lagu xadiday kobcinta barnaamijkeeda uranium-ka, si loo akdeeyo inay horumariso hub nukliyeer, waxayna ku bedelatay in laga qafiifiyey xayiraadihii dhaqaale.


Hase yeeshee madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiska ka baxay 2018, isaga oo xayiraado dhaqaale oo adag saaray Iran, taasi oo Tehran ku qasabtay inay jebiso heshiisyadii xadiday barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Waxaan ilaa hadda guuleysan dadaallo diblomaasiyadeed oo dib loogu soo nooleynayo heshiiska.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment