Madaxweyne Xasan oo Warbixin Siiyay Waalidiinta Ciidanka Eritrea Lagu Tababarayo

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan, maadaama madaxweynuhu uu booqday ciidanka oo laba waji ah Milatari iyo ciidanka badda oo qeyb ka ah ciidanka ku sugan dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka
waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment