Mareykanka oo $476 milyan ugu deeqaya gurmadka abaaraha Soomaaliya

Bulsha:- Hay'adda dowladda Mareykanka u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ee USAID ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu 476 Milyan oo dollar ku bixinayo kaalmooyin bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed oo muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed ee ay soo wajahday abaarta daran.

Bayaan kasoo baxay USAID ayaa lagu sheegay in Mareykanku kaalmada dadka Soomaaliyed uu sanadkan 2022 ku bixiyay ku dhawaad 707 milyan oo dollar oo gargaar bini'aadannimo.

"Waxaa lama huraan ah in saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay ku biiraan Mareykanka, si loo kordhiyo deeqaha ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed, si looga horto khasaaraha nafeed ee ka dhalanaya baaqashada roobabka xilliyadii la soo dhaafay iyo qiimaha cuntada iyo shidaalka oo cirka isku shareeray sababo la xiriira dagaalka Ruushka ee Ukraine." ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Waxay sheegtay USAID in deeqadan cusub ee gaareysaa 476 Milyan loogu tala galay, sahay cunto degdeg ah oo malaayiin qof loogu deeqo, si looga hortago macluusha, gaar ahaan nafaqada carruurta iyo sidoo kale biyo nadiif ah oo la cabo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah, si looga hortago cudurrada ay gaajadu keento.

USAID waxay sidoo kale sheegtay inay siin doontaa qoysasaska Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen lacag ay ku iibsadaan cuntooyinka aasaasiga ah ee suuqyada maxalliga ah, taageeridda dhaqaalaha dalka iyo hubinta in qoysaska wajahaya macluusha ay helaan waxay u baahan yihiin.


Axaddii shalay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Muqdishu kula kulmay Madaxa hay’adda gargaarka caalamiga ah ee dawladda Maraykanka USAID Samantha Power oo booqasho ku tagtya Muqdishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara, ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment