Baarlamanka oo waqti dheeri ah siiyey R/W Xamza oo uu kusoo dhiso xukuumad cusub

Bulsha:- Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta muddo dheeri oo 10 maalmood ah ugu daray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre muddada uu kusoo dhisayo xukuumadda cusub.

Xamza oo maanta baaralamanka horgeeyey codsi ku saabsan muddo kordhintan ayaa waxaa aqbaaly 144 xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan

Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.

Xamza ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la'aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay'adaha Qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

"Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed," ayuu Ra'iisul Wasaaraha ku yiri codsiga uu u diray Baarlamaanka.


Xamza ayaa ayaa sheegay in muddada dheeriga ah ee la siiyey uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment