C/qaasim Salaad Xasan oo balanqaad u sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.


Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment