Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Afwerki oo kala saxiixday 7 qodob

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo geba-gebaayey booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Intii uu ku sugnaa Eritrea, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo madaxweyne Afwerki, waxa uu booqday ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaas muddo saddex sano ah iyo mashruucyo dhowr ah oo horumarineed oo dalkaas ka socda.

Kahor inta aanu kasoo dhaafin dalkaas, madaxweyne Xasan iyo dhiggisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa kala saxiixday heshiis afagarad, kaasi oo lagu baahiyey bogga Wasaaradda Warfaafinta Eritrea, waxayna labada madaxweyne isku raaceen qodobada soo socda:

1- Xoojinta xiriirka labada shacab, oo ay ku jiraan bulshooyinka qurbo-joogta ah.

2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasi, si ay u ilaaliyaan sarena ugu qaadaan danahooda qaran.

3- Ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ayada oo diiradda la saarayo ganacsiga, maal-gashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Kobcinta wada-shaqeynta dhanka dhaqanka, farshaxanka, dhaq-dhaqaaqyada cayaaraha iyo sidoo kale sayniska iyo teknoolajiyadda.

5- Sare u qaadidda iskaashiga si loo ilaaliyo sarena loogu qaado deegaanka waxna looga qabto musiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurada saf-mareenka ah.

6- Xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo ammaanka.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment