Xasan Sheekh oo la kulmay qeybtii labaad ee ciidamada lagu tababarayo Eritrea

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad safar ku maraya dalka Eritrea ayaa la kulmay qayb labaad oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa booqday ciiddamadan oo la sheegay in loo tababaray dhinaca badda iyo farsamada. Safarka waxaa ku weheliyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Sawirro laga qaaday ciidankaas ayaa muujinaya ciidamada Soomaaliya oo la socdo doonyo, iyo kuwo badda quusa.

Madaxweynaha ayaa shalay la kulmay kumannaan ciidamadan ah oo lagu tababary dalkaasi.

Ciidamadan ayaa madaxa Soomaaliya ay sheegeen inay dhan yihiin 5,000 askari, kuwaasi oo qaadanayey tababar saddex sano ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment