Booliska Somaaliya oo maamnuucay in wixii ka danbeeya lix saac habeenimo aysan socon karin mooto Bajaaj

Bulsha:- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo baxay waxaa lau sheegay in la mamnuucay in Mootada Nuuca bajaajta aysan socon karin wixii ka dambeeya 12-ka ama lix saac habeenimo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in arrintaan looga gol leeyahay in la xoojiyo howlgallada ay ciidamada ka wadaan magaalada muqdisho, kaas oo ka dhan ah kooxaha Burcadda ah.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu geba-gabo yahay wajiga koowaas oo howlgalka loogu maga daray samakaab, kaas oo lagu soo qabtay kooxo burcad ah iyo kuwo waxyaabo maanka dooriya isticmaala.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay gacanta u hayaan Mootooyin Bajaaj dadka lagu dhici jiray iyo kuwa ka Ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya oo laf dhabar u ahaa amnid arrada kajirta Amniga Magaalada muqdisho.

Ugu dambeyn Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi fitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aan lagu arki karin Ciidamo hub ku dhex wata magaalada muqdisho, marka laga reebo Ciidamada ka Shaqeeynaya sugida Amniga.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment