Kenya oo Shiinees dil loo heysto ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Bulsha:- Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay Afar nin oo u dhalatay dalka Shiinaha, kuwaasoo dhawaan dalkeeda si dhuumaaleysi ah ku yimid, iyagoo isaga soo tagay magaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalka aan Bada leheyd ee Itoobiya.

Afartan qof oo magacyadooda ka ah; Huang Zhipeng, Liv Jie, Wang Ming iyo Chao Fu Xiuzaon, waxaana lagu eedeeyay dil ay ka geysteen mehrad Shiinees ah oo ku taalla dabaqa shanaad ee dhismaha Tolosa Legesee ee magaalada Addis Ababa ka hor inta aysan u cararin Kenya.

Agaasimaha Interpol ee Itoobiya Tsegaye Haile ayaa wargeyska Addis Standard u xaqiijiyay in loo soo gacan geliyay eedeysanayaashan, kuwaasoo haatan ay ku socoto baaritaanada danbiga loo heysto, qabashadooda waxey timid kadib markii dowladda Itoobiya ay baahisay xogta afarta qof.

Si kastaba, Taliyaha booliska Kenya HillaryMutyambai iyo dhiggiisa Itoobiya, Komishineer General Demelash Gebrem ayaa bishii February ee snaadkan ku kulmay Adis-Ababa, iyagoo ku heshiiyay arrimo ay kamid tahay iney is weydaarsadaan danbiilayaasha, iyadoo aan wali la soo bandhigin cida ay dileen eedeysanayaasha loo dhiibay dowladda Itoobiya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment