Dowladda Soomaaliya oo Shatiyo siisay laba Banki laga leeyahay Turkiga iyo Masar.

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa Shatiyo ay ku shaqeeyaan siisay laba banki oo laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, kuwaas oo lagu kala magacaabo Banque Misr iyo Ziraat Katilim, kadib markii maanta la ansixiyay codsiga labadaas Bank.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, talaabadan ayaa timid kadib markii maamulada labadaas Bank ay buuxiyeen shuruudaha la hordhigay oo si qoto dheer looga baaraan dagay.

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Banki waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay iney dalka ka howlgalaan Bank-yadan laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga oo cilaaqaad dhaw la leh dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kadib habraac ballaaran waxaan ku faraxsanahay in guddiga uu ansxiyey codsiga shatiyo ee Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr.” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhex.

Tani ayaa ka dhigan in markii u horeysay Bank-yo caalami ah ay ka shaqa bilaabaan dalka wixii ka danbeeyay burburka dowladdii dhexe, Nidaamkii Farmaajo ayaa hore isaga diiday in Bank laga leeyahay Masar laga furo dalka, isagoo ku qancinayay Abiye Axmed oo khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda Masar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment