Daacish oo sheegatay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Bulsha:- Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka, gaar ahaan garabkeeda Soomaaliya ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada qarax shalay ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Warta-Nabada.

War lagu baahiyay baraha lagu faafiyo wararka kooxda Daacish ayaa lagu sheegay iney mas’uul ka yihiin qaraxa oo lala eegtay ciidamadda ATMIS, Ex AMISOM, iyadoo kooxdan aysan bixin xogta khasaaraha ka dhashay weerarka, marka laga reebo iney burburiyeen mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidanka la beegsaday.

Qaraxa oo dhacay barqanimadii Isniintii ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ciidanka la qarxiyay ay mudo kooban xirteen goobta, iyagoo hakad galiyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Sheegashada kooxda Daacish ee qaraxan ayaa ku soo beegmaya, xili dhaq dhaqaaqa kooxdaasi ee Koofurta iyo bartamaha dalka uu waayadan ahaa mid hooseeya, taasoo loo aaneeyay sababo ay kamid tahay dagaalka Kooxdaas kala dhexeeya Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa horey ugu dhawaaqdey howlgal ka dhan ah Daacish oo ay ku eedeysay “in ay suurad xumeyneyso jihaadka”. Hase ahaatee, labada maleyshiya ayaa ka siman beegsi dad aan waxba galabsan











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment