Bulsha:- Hay’ada duulista rayidka ayaa sheegtay iney bilowday baaritaano la xiriira waxa dhaliyay shilka diyaarad ay leedahau shirkadda Jubba Airways oo shalay ku burburtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay hay’ada ayaa lagu sheegay in natiijada baarista lala wadaagi doono shacabka, iyadoo la doonayo in la ogaado sababta keentay shilka diyarada iyo hadii ay jirto khalad ka dhacay dhinaca wadaha diyaarada iyo inuu ahaa mid ku yimid jawiga cimilada, maadaama xili roobaad la galay.
Diyaaradda shilka gashay ayaa waxa ay u kireysneyd shirkadda Jubba Airways, waxayna ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya, 36 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa lagasoo badbaadiyay diyaaraddan, oo abaaro 11:28 AM shalay shil ku gashay garoonka Aadan Cadde.
Si kastaba, Diyaaraddan ayaa sumaddeedu tahay 5Y-JXN, oo waxay duulimaadkeedii rakaab kasoo qaaday oo kasoo kacday magaalada Baydhaba, ayada oo cillad la kulantay waxyar kahor intii aysan soo degin garoonka diyaaradaha, taasi oo uu ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment