Ciidamadda amaanka oo gacanta ku dhigay askari ku eedeysan dilka Sarkaal NISA ah iyo walaashiis.

Bulsha:- Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen duleedka degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxa ay ku soo qabteen askari ka tirsan ciidanka Milatariga oo loo heysto dilka laba qof.

Eedeysanaha oo loo heysto dil uu u geystay taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Maamulka Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis ayaa laga soo qabtay degaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.

Wararka ayaa sheegaya ineyaan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka ninkan lagu soo qabtay, waxeyna saraakiishii hoggaamineysay ku sheegeen in qabashadiisa ay kaalin lixaad leh ka qaateen dadka shacabka ah oo hay’adaha amaanka siiyay xogta suura galisay in la soo qabto.

Si kastaba, Maamulka degmada iyo kan Galmudug ayaa sheegay in danbiilaha la horgeyn doono maxkamadaha garsoorka, si talaabo dhinaca sharciga ah looga qaado.




Dhinaca kalena, Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq kusoo bandhigay Axmed Dhagadheere oo labo Malin kahor Gudaha Dagamada Caabudwaaq kudilay Allaha u naxaristee taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment