Waa kuma Fahad Yaasiin Ra’iisul wasaaraha uu naftiisa bad baadiyey ee la dili rabay?

Bulsha:- Wareysiga qeybta afaraad laga qaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa mid xasaasi ah ayaa maanta ku faafiyey qodobo ka dhan ah Agaasimaha Cusub Ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Ma eegeyno xogaha ah Mahad ayaa Al Shabaab ushaqeeya iyo Mahad Salaad ayaa weeraro ka dhacay Muqdisho iyo Galmudug ka dambeeyey inuu mishinadaasi ka qeyb galo.

Balse qoraalkaan waxaan kusoo koobeynaa Fahad Yaasiin waxa uu sheegay in mid ka mid ah Ra’iisul wasaarayaashii dalka soo maray uu bad baadiyey qorshe dil ah uu umaleegay mahad Salaad awgeed.

Fahad inkastoo uu diiday inuu bixiyo magaca Ra’iisul wasaarahaasi dabinka loo dhigay ayaa hadana laga war helay inuu ahaa Xasan Cali Kheyre oo Farmaajo iyo isaga muddo seddex sano iyo bar wada shaqeenayeen.

“Ra’iisul wasaarayaashii dalka soo maray mid ka mid ah inuu dilo ayuu isku dayey,markaan xogtaan helay ayaan wacay Ra’iisul wasaarahaasi waxaan weydiiyey Mahad miyaa kuu imaanaya maanta haa buu yiri ha qaabilin ayaan ku dhahay,25 daqiiqo gudaheed ayaan dhex galay sidaas ayaana ku bad baadiyey,ayuu yiri Fahad Yaasiin”.


Xubno la shaqeeya Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxay sheegeen in xogta Fahad Yaasiin uu tebiyey ay hore umaqleen oo aheyd in la isku dayey Mr Kheyre in la khaarajiyo,balse weli Murashaxii Madaxweynaha Soomaaliya usoo tartamay Xasan Cali Kheyre kama uusan hadlin warkaan isaga in la dili rabay ah.

Eeda Mahad Maxamed Salaad loo jeediyey ayaa bar madoow oo sumcadiisa siyaasadeed iyo xilka uu hayo ee Hay’ada NISA noqoneysa haduusan si waafiya uga jawaab celin ama cadeymo ka dhan ah eeda loo heysto Fahad Yaasiin ee dilka Ikraan Tahliil dibada usoo saarin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment