Markab xoolo ka qaadayey deked ku taalla Sudan oo qaraqmay ama degey

Bulsha:- Markab si xad dhaaf ah loo raray oo siday xoola nool ayaa ku degey dekedda ku taalla badda cas ee Sawakin ee dalka Sudan, waxaana halkaas ku qaraqmay dhammaan xoolihii markabkaas saarnaa oo ahaa ido, hase ahaatee saraakiisha dekedda ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan shaqaalihii markabkaas.

Markabkan oo ahaa nooca xoolaha lagu dhoofiyo ayaa ka ambabaxayey dalka Sudan isaga oo ku sii jeeday dalka Sucuudiga, waxaana la sheegay in uu degey, kadib markii la saaray dhowr kun oo neef oo dheeri ah oo ka badan xadkii ay ahayd in uu qaado.

“Markabka Badr 1, ayaa degey saacadihii hore ee Axaddan maanta ah, waxaana uu siday 15,800 oo neef oo ido ah taasi oo ka badan xadkii loogu talogalay,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha dekedda oo diiday in magaciisa la sheego.

Sarkaalka ayaa sheegay in markabka loogu talo galay inuu qaado oo keliya 9,000 oo neef.


Sarkaal kale oo ka tirsan masuuliyiinta dekedda oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP ayaa isna sheegay in dhammaan shaqaalihii markabkaas la badbaadiyay, isaga oo sheegay in dhacdadani ay sababtay walaac xooggan oo dhaqaale iyo weliba mid deegaan.

Markabka ku degey dekedda ayaa haatan saamayn xooggan ku yeeshay hawlihii adeegga ee dekeddani bixin jirtay.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment