Daawo Qeybta 4aad, Maxay tahay eedeynta xasaasiga ah ee Fahad Yasin dusha ka saaray Mahad Salaad

Bulsha:- Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qeyb kale oo kamid ah wareysi dheer uu bixiyay waxa uu eedeymo culus ugu soo jeediyay taliyaha cusub ee Hay’adda NISA Mahad Salaad.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaldamay in taliyaha hay’adda NISA u magacaabay Mahad Salaad, waxa uuna xusay in Madaxweynaha uusan ninkaasi aqoon u laheyn uuna ku fududaaday magacaabistiisa.

Waxa uu sheegay Fahad Yaasiin markii uu maqlay in Madaxweynaha qorsheenayo in Mahad Salaad ka dhigo taliyaha NISA u faray fariimo uu uga digayay ,balse uu aad uga naxay markii uu maqlay in Mahad loo magacaabay taliyaha NISA.

” Waxaan qiyaasayaa in Madaxweynaha qalad weyn galay in Mahad Salaad Hay’adda NISA u dhiibay, baaritaan badan in uu ku sameeyo ayey aheyd inta uusan magacaabin kahor taariikhdiisa , aqoontiisa la baaraa xittaa haddii uu saaxiibkaa yahay, aniga markan maqlay in uu Madaxweynaha ka fikirayo in Mahad u dhiibo NISA farriin ayaan ugu faray qof ay saaxiibo yihiin, warbixintana waa la gaarsiiyay madaxweynaha ,laakin aad ayaan uga naxay markii aan maqlay in ninkaasi loo magacaabay taliyaha NISA ” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Mahad Salaad uu yahay nin xiriir weyn  la leh Al Shabaab wax badana ka abaabulay khataro amni iyo dhibaatooyin badan oo dalka ka dhacay, waxa uuna xusay in ay kahor tageen marar badan khataro amni uu wax ka abaabulay.

” Mahad Salaad umadda Soomaaliyeed dhibaato aad u weyn ayuu u geestay , Mahad xiriir weyn ayuu la leeyahay Al Shabaab muddo dheer 10-sanno ilaa 8-sanno ku dhaw, xiriir waxa uu la leeyahay uu shaqaale u yahay , waxa uu kamid yahay dad aan xogtooda heynay oo marar kasta kahor tagi jirnay khatarahooda,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa uu sidoo kale uga digay Fahad saraakiisha NISA in taliyaha cusub ee NISA la wadaagaan xogta sirta Qaranka, waxa uuna xusay haddii ay sidaasi dhacdo ay noqoneyso in xogta sirta Qaranka loo gudbiyay dadkii laga ilaalinayay uu ula jeeday Al Shabaab.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in uu fashiliyay qorshe Mahad Salaad ku doonayay in uu ku dilo mid kamid ah Ra’isul Wasaarayaashii dalka soo maray xilligii dowladdii Farmaajo, waxa uuna xusay in xog uu helay uu ku fashiliyay qorshahaasi dilka ah.

”Mahad Salaad Ra’isul Wasaarayaashii dalka soo maray mid kamid ah in uu dilo ayuu isku dayay iyada oo Al Shabaab isticmaalayaan,markaan xogtaas helay Ra’isul Wasaaraha wacay waxaan ku iri Mahad Salaad iyo qof la socda makuu imaanayaan ,haa ayuu igu yiri,ha qaabilin ayaan ku iri, farqiga u dhaxeeyay waxa ay aheyd 25-daqiiqo , daqiiqadahasa aan soo kala dhax galay ayuuna ku noolaaday Ra’isul Wasaaraha ” ayuu yiri Fahad Yaasiin.


Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo iyo weeraro badan uu qorsheeyay Mahad Salaad, waxa uu sidoo kale ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qarax ka dhacay Gaalkacyo oo lagu dilay taliyihii  milatariga qeybta 21-aad iyo taliyihii Danab ee Galmudug, sidoo kale abaabulay dil Dhuusomareeb loogu geestay taliyihii NISA ee magaaladaasi.

Eedeymaha Fahad Yaasiin u jeediyay taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo ah kuwa aad u waa weyn ayaan wali jirin wax jawaab ah uu ku ba bixiyay Mahad Salaad , waxa uu sidoo kale Fahad ku eedeeyay taliyaha NISA in uu ku lug lahaa dilkii Ikraan Tahliil.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment