Sucuudiga oo haweenka u ogolaaday inay xajka dalban karaan muxram la'aan

Bulsha:- Dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia ayaa ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka iyada oo aanu la soconin qof muxram u ahi. Hadalkan waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka, Sida in dumarku ay baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay gawaadhida kaxayn karaan iyo in loo ogolaado inay haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.


Hadaba maxaa ugu wacan isbeddeladan iyo furfurnaanta dhinaca xuquuqda dumarka ah ee Sucuudigu la soo baxay? Maxamed Colaad Xassan Ayaa su’aashaa iyo kuwo kale weydiiyay. Maxamed Cali Biixi oo ka faalooda arrimaha carabta muddo dheerna ku noolaa dalka Sacuudiga.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment