Ruushka oo sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas.

Bulsha:- Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda xamuulka ee Ukraine lagu soo riday meel u dhow dekedda Odesa ee Ukraine.

Moscow ayaa sidoo kale sheegtay in ay weerar gantaalo ah ku qaadday dhowr bartilmaameed oo ay ku jiraan xaruun lagu tababaro ciidamada madaafiicda Ukraine oo ku taal Stets-kovka oo u dhow Sumy.

Ruushka ayaa sheegay in macallimiin ajaanib ah ay xaruuntaasi ka shaqeeyeen.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiigga Ruushka Igore Konashenkov wuxuu sheegay weerar dhinaca gantaalaha oo ay ciidamadoodu fuliyeen in lala beegsaday bartiilmameedyo ay ka mid yihiin fariisimaha ciidamada Ukraine iyo xaruumo ciidmada Ukraine lagu tababaro.




Office Nairobi Kenya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment