Sucuudiga oo balanqaaday inuu Soomaaliya kala shaqeeyo sugida amniga iyo dagaaalka Shabaab.

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay garab istaaggeeda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan hadda iyo xilliyadii adkaa ee dalku soo maray, isagoo rajeeyay in xiriirka labada dal uu sii wanaagsanaado ka dib doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo mudnaan gaar ah siinaya sara u qaadista xiriirka walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay Sacuudi Carabiya.

Dhankiisa Safiir Axmed Bin Maxmed Almuwalad ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wadad shaqeyntii wanaagsaneyd, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeedu diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka dadka abaartu hayso, dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka guddoonsiiyay billaddo sharaf uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya mudane Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment