Mid kamid ah ergadii soo dooratay Mahad Salaad oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dilkan ay geysteen kooxo Bistoolado ku hubeysan.

Sida wararku sheegayaan, dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag, waxaana marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay taliyaha cusub ee NISA.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in marxuumka la toogtay aroortii hore ee saaka xili uu ka soo baxay hoygiisa, wuxuuna u socday goobtiisa shaqo, rasaasta ayaa ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taasoo sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo.




Ehelka marxuumka ayaa sheegay inuu maalmihii la soo dhaafay uu la kulmayay hanjabaado uga imanay kooxo tilifoono ka soo wacayay, iyadoo uu kamid ahaa mas’uuliyiinta xarunta ganacsi ee Som Oil oo xarunteeda ugu weyn ku taalo nawaaxiga isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment